08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wasaarada diinta oo war ka soo saartey masaajida iyo goobaha diinta lagu barto

Wasaarada diinta ayaa war ka soo saartey masaajida iyo goobaha diinta lagu barto. Wasaarada oo aad ula soo daahdey ayaa warkan loo baahna xilli hore si loo ogaado cida diinta baraysa caruurteena.



War qoraaleed saxaafada loo soo bandhigey ayaa lagu amrey dhamaan masaajida iyo dhamaan goobaha lagu barto ay iska diiwaangeliyaan Muqdisho iyo gobolada dalka.

Ujeedada war qoraalkan ayaa lagu macneeyay inaan la ogeyn cida wax baraysa caruurteena cida yihiin iyo weliba waxa la barayo waxa uu yahay.

Waxa la faray in mudada isdiiwaangelinayo ay tahay 15/01/2018 ilaa 15/03/2018.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS