Madaxweyne Farmaajo ayaa war ka soo saaray dhulka dawlada ee la guranayo.
Madaxweynaha ayaa yiri “Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”
“Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”
“Markii la I doortay, waxaan ballan qaaday inaan ilaalinayo ammaanada la ii dhiibay, dhulka dowladdana wuxuu kamid yahay ammaanadaas. Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in guddi heer qaran ah aan u saari doono arrimaha la xiriira dhulka si baaritaan dhab ah loogu sameeyo, loona hubiyo inaan dhul dan guud loo adeegsan dan shakhsiyadeed.”
Madaxweynuhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.
DHAMMAAD
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay