04/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Duqii magaalada Muqdisho oo la eryay yaase loo magacaabay

Duqii magaalada Muqdisho ayaa la eryay waxana la magacaabay masuulkii bedeli lahaa. Duqa magaalada Taabit ayaa ku kacay falal ka dhana dastuurka asagoo shalay cod ka codsaday gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho oo qudhoodu magacaaban.



Gudoomiyihii Muqdisho ayaa sidoo kale farogeliyay arin dastuura sida maqaamka Muqdisho oo ah arin u taala golaha shacabka. Wayna cadayd inuu daaqada ka baxayo markii uu ku dhaqaaqay falal aan shaqadiisa ahayn.

Wareegto ka soo baxdey xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay wasiirka warfaafinta Yariisow inuu noqdo duqa magaalada Muqdisho.



Wareegtada ayaa u qorneyd sidan:

Markuu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta

Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisulWasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalka kala ah:
• Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho

• Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;

• Xuseen Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada;

• Marwo Basma Cumar Axmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta

• Aadan Sheekh Cali Fiidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud

• Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Cabdirisaaq Xuseen

Xalay ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan nabadsugida ay la wareegeen amniga xarunta gobolka Banaadir.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS