Madaxweyne Farmaajo ayaa mar labaad gaaray magaalada Cadaado oo ahayd xaruntii hore ee maamulka Galmudug. Madaxweynaha ayaa xaliyay muran ka dhashay heshiiskii Ahlu Suna.
Madaxweynaha ayaa kaga dhawaaqay Cadaado in magaaladu noqon doonto xarunta barlamaanka ee Galmudug. Lama garan karo sida tani u shaqayn doonto maadaama Dhuusamareeb tahay xarunta maamulka.
Odayaasha dhaqanka ee magaalada Cadaado ayaa walaac ka muujiyay heshiiska Ahlusuna iyo Xaaf oo ay ku tilmaameen mid hal dhinac ah ayagoo reer Cadaado hore u lahaa maamul.
Madaxweynaha ayaa kadib la filayaa inuu gaaro magaalo xeebeedka Hobyo oo ahayd inuu shalay booqdo laakiin arimo badan oo horyaalay ka baajiyeen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay