Muqdisho–Dhagarqabayaashii dilay Saado Cali iyo xildhibaanada kale ayaa maxkamadi u xukuntey dil toogasho ah iyadoo dadka badankiisu la yaabay mudada la hayay iyagoo tragani kahir qirtey telefishanka hortiisa in ay ku faraxsan yihiin dilka muslimiinta Somalida.
Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in gacan ku dhiiglayaasha kala ah Shuceyb Ibraahin Mahdi iyo Faarax cali Cabdi ay cadeysteen falalkii loo qabtay, islamarkaana lagu riday xukun dil ah.
Waxa uu sheegay in labadaani ruux ee ka tirsanaa Alshabaab ay ka dambeeyen dilalka dhowr Xildhibaan oo ay kamid ahaayen Xildhibaan Saado Cali Warsame, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd, Xildhibaan Sheikh Aadan Madeer, Axmed Odawaa Baale oo ka tirsanaa Hay’ada Nabad Sugida iyo Maxamed Axmed Maxamed oo isna ka tirsanaa Nabadsugida Somalia.
Shuceyb Ibraahin Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi, ayaa dawlada Somaliya Somalia u xirnaa muddo kadib markii lagu qabtay guri ku yiilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, xili ay ku howlanaayen diyaarinta Qaraxyo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay