09/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maykal Kiitan oo ugu baaqay Muuse Biixi inuu dib ula noqdo ciidankiisa

Wakiilka QM u fadhiya Somaliya oo dhan Maykal Kiitan ayaa ugu baaqay Muuse Biixi inuu dib ula noqdo ciidankiisa uu ku gaadey Tukaraq halkaana ku barakiciyay dad Somaliyeed oo sidoodii u tacbaansanaa.



Maykal oo gudbinaayay warbixin ku saabsan Somaliya ayaa walaac ka mujiyay xiisada uu keenay Muuse Biixi wuxuu sidoo kalana ka codsadey Puntland inay iyadna qaado ciidanka xaaladana lagu soo celiyo sidii hore.



Bishan horaanteedii ayay ahayd markii Muuse Biixi weerar gaadmo ku qaaday tuulada Tukaraq ee dhacda wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Laascaanood.

QM ayaa u kala dab qaada labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.

Maxamee Yuusuf

ARAABINEWS