06/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Cashuur qaadaha Xirsi Tooriile u jooga Saylac oo awood u adeegsaday badhasaabka Salal iyo arin dhacday: WARBIXIN

Lawyacado–Maamulaha cashuur-qaadaha Saylac oo lagu magacaabo C/raxmaan Aadan Yuusuf ayaa gobolka Salal ku haysto koonto xataa heer wuxuu gaadhay in uu saraakiisha iyo dadka kale suuqa ku dhex feedho ama faro indhaha ka geliyo. C/raxmaan Aadan ayaa si toosa ugu xidhan Xirsi Tooriile marka arini ku xumaatana si toosa u waca Xirsi Tooriile iyo cida ugu dhow Siilaanyo maadaama Siilaanyo isagu hawlgab yahay.

Mar waxa dhacday in hooyo xanuusan oo loo waday Jabuuti uu hor istaagey in ay dhaafto kastamka ilaa ay bixiso $20 doolar oo madax furasho ah, waxase arinta soo dhexgalay badhasaabka Salal C/risaaq Waaberi Rooble oo isku dayay inuu hooyada dhaafiyo, waxase maamuluhu ugu jawaabey gacan ka hadal iyo in uu faraha ku soo taago.

Badhasaabka ayaa ku cawday wasiirka arimaha gudaha Cali Warancade oo isaguna amrey in la soo xidho maamulaha kastanka.. markuu ogaadey in la xidhayo ayuu telefoon u soo direy Xirsi Tooriile iyo guriga Siilaanyo una sheegay in la xidhayo…markii uu u yimi ninkii xidhi lahaa ayaa waxa uu u soo taagey telefoon moobil ah oo uu gacanta ku hayay..ninkii wuxuu qaatay telefoonkii amarkii Cali Warancadana halkaas ayuu lumey..

Maamulahan ayaa ku naaxay lacagta uu ka gurto dadka u kala baxaya Jabuuti iyo Awdal oo qofkiiba madax furasho uu kaga qaado $31 doolar..Waxana la cadeeyay in maalin kasta lix qof oo rakaaba lacagtooda jeebka lagu shubto taas oo ka dhigtey mid hoostiisa la wada joogo.

Badhasaabkii gobolka iyo taliyihii sirdoonka ayaa iyaguna aan la garanayn meel ay hadda ku sugan yihiin kadib markii waxba laga qaban waayay maamulaha kastanka oo iyagii ka awood weynaadey.

Maxamed Yuusuf (Xigasho)

ARAABINEWS