Faahfaahin diyaarad ku dhacday gobolka Shabeelaha hoose gelinkii dambe ee shalay oo arbaca ahayd. Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijay inay jirto diyaaradaas dhacdey.
Wuxuu sheegay ka hor inta aanay dhicin diyaaradaasi in lagu arkay iyadoo joog hoose ku duuleysa inta u dhaxeyso Degmada Wanlaweyn iyo Degaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, shacabkana ay dareemeen cabsi.
Diyaarada ayuu sheegay gudoomiyuhu inay ahayd mid ciladeysan oo joog hoose ku duuleysa laguna arkey degmada Wanlaweyn iyo Warmaxan inta ayna ku dhicin Labiga Dhaadheer oo ku dhow Xeradii hore ee Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Kaba Hirig.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maraykanka ayaa iyaguna gaaray goobta. Ciidamada ayaa ku sugan Balidoogle.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay