Idaacada Ingiriiska ee BBC ayaa ka gariirtey awooda idaacada Ruushka ee RT. Wararka idaacadaha reer Galbeedka ayaa gababsi ku Jira in dadku welli sii dhegeystaan ayagoo khaatimka jooga faafinta wararka khaniisiinta iyo cayda dalalka ka awooda weyn sida Ruushka.
Hadaba idaacada Ingiriiska ee BBC ee ku guulaysatey inay dabada u rogto Somalida aqoonta yar markii ay qabiil u kala jajabisay ayaa ka gariirtey idaacada xooga weyn ee Ruushka ee RT ama Ruushka maanta.
Ingiriiska ayaa dhowr jeer rabay inuu afka qabto iskuna dayay inuu xiro xafiiska ay ku leeyihiin gobolka Scotland, waxayna ka baqeen in la yiraa aaway waxay sheeganayeen ee ahayd waxaan nahay xor iyo bugtii.
RT ayaa xafiis weyn ka furanaysa London, waxana xafiiskan ka gariirtey BBC oo dalbatey in la siiyo lacago dheeraada si ay u kordhiso barnaamijyada ay isaga celinayso RT una soo jiidanayso dadkeeda.
Dadka hadda dhegeysta RT ayaa lagu qiyaasay in ku dhow hal bilyan oo qof aduunka, ayagoo ka hadlaya ama soo faqaya bugta reer galvbeedku qariyaan, dhinaca kalana la dagaalama sharciyada khaniisyadu ku soo rogeen dadka caadiga ah.
Waana ta xanaajisay BBC ayna u dalbadeen lacago dheeraada.
Wadamada looga adkaadey dhinaca isgaarsiinta maqalka iyo muuqaalka waxa ugu horeeya Somaliya oo hadda iyagu aaminsan idaacadaha reer galbeedka hadase ka wareegaya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay