Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Guri ku yaal Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed Cabdullaahi Iimaan Ceynte ayaa sheegay in ciidamada ay xaqiiijiyeen in Qaraxaasi ay ku dhinteen labo qof oo ka mid ahaa kuwii Qaraxaasi sameynaayay.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo kaliya.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo wata Gaadiidka dagaalka oo ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa gaaray halkaasi, waxayna xarumaha baaritsta u qaadeen dadkii ku waxyleelobay qaraxaasi.
Sidoo kale Ciidamada ayaa la wareegay guriga uu qaraxa ka dhacay, waxayna arrintan cabsi iyo wal ku abuurtay dadka degaanka, shacabka degan xaafadaasi ayaa guryahooda goor hore oo xalay ah ku xarooday, maadaama Ciidamada ay wadaan baaritaano.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay