Maamulka Jubba ayaa soo bandhigey ajaanib argagixiso ah oo la soo qaldey. Ragaan oo gaaraya ilaa Saddex ayaa maamulku waxa ay sheegeen in laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Tansaaniya halka midka Saddexaad lagu sheegay in uu u dhashay dalka Kiiniya.
Raggaan ayaa laga soo qabtey iyaga oo ka sii gudbaya Dhinaca Xadka gaar ahaan halka loo yaqaano tuulo Barwaaqo oo 12km u jirta Magaalada Dhoobley.
Weli Saraakiishu ma sheegin in raggaas ay ku qabteen Hub ay siteen balse sida lagu daabacay Aljaziira qeybta Carabiga iyada oo la soo xiganayo mid ka mid ah ragaas oo Magaciisa lagu sheegay Ciise inuu sheegay in uu Soomaaliya u yimid Sanadkii 2014.
Ajaanibtan ayaan la ogeyn khasaaraha ay gaysteen ummada Somaliyeed iyo inay caruuro kaga tageen dalka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS



Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay