20/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Hal sano kadib shacabka Muqdisho maxay ka yiraaheen dawlada Farmaajo

Hal sano kadib shacabka Muqdisho maxay ka yiraaheen dawlada Farmaajo. 8-February 2017 Doorasho ka dhacday Muqdisho ayaa Madaxweyne (Farmaajo) waxa uu kaga soo baxay si lama filaan ah musharaxiin gaarayay 22 oo kula tartamayay kursigaan.



Intaasi kadib shacabka reer Muqdisho ayaa maanta aragtiyo kala duwan ka dhiibtay mudada sanadka ah ee laga joogo Doorashadii Madaxweyne Farmaajo, waxyaabaha Dowladda u qabsoomay iyo dib u dhaca jira.



Qaar ka tirsan shacabka ayaa sheegay in Dowladda ay wax badan ka qabatay balanqaadyadii ay sameysay, waxayna tusaale u soo qaateen arrimaha ammaanka, arrimaha dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka, waxayna ku baaqeen in Dowladda ay sii wado dadaalkeeda.



Balse fikrad ka duwan midaas waxaa qaba shacabka qaarkood, oo sheegaya in Madaxweynaha uusan qaban wax badan oo horey u balan qaaday.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS