Ciidanka difaaca Siiriya ayaa dhulka soo dhigey diyaarad Yuhuudu leedahay oo duqeyn ka waday dhulka Siiriya. Cadowga Yuhuuda oo taageersan argagixisada Daacish ayaa burburiyay Siiriya.
Diyaradan oo ah nooca Maraykanku siiyay ee loo yaqaan F-16 ayaa ku dhacdey Woqooyiga Yuhuuda halka ay sheegteen in bayloodadii ka badbaadeen.
Talabadan ayaa cabsi gelin doonta Maraykanka iyo Yuhuuda oo taageersan argagixisada Daacish rabana inay Siiriya daaqada ka saaraan si ayna u jirin wadan Caraba oo xoogan oo la jaara Yuhuuda.
Ciidamada difaaca ee Siiriya ayaa shegay inay laba diyaaradood ay garaacaan. Midabka gantaalaha Siiriya tuurtey aya laga daawaday Woqooyiga Yuhuuda.
Yuhuuda ayaa la tashanaysa Maraykanka iyo Sucuudiga wixii ay qaadi lahayd maadaama awoodii cirka hadda laga soo ridey ayna mar dambe ku soo xadgudbi Karin.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay