12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maamul goboleedyada oo casho isla dhacay xalay yaase u sameeyay: SAWIRO

Maamul goboleedyada ayaa casho isla dhacay xalay Muqdisho uu ka soo qaybgalay RW Xasan Cali Kheyre taas oo ka dhacdey xarunta dawlada hoose.

Cashadan ayaa waxa ku casuumay gudoomiyaha gobolka Banaadir halkaas oo lagu taabtey maqaamka magaalada Muqdisho.



Madaxweyne-yaasha Maamul Gobolleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa mahadcelin kadib, isla qiray in Muqdisho ay tahay astaan Qaranka, iyadoo taas laga duulayana maamulka iyo shacabka oo wadajira laga doonayo sidii mar kale loo soo celin lahaa sumcaddii iyo wanaaggii ay caanka ku ahayd Muqdisho.



Kulanka cashada ayaa waxaa sidoo kale, hadallo ka jeediyey Fannaaniin ay kamid yihiin Faadumo Cali Nakruumo iyo Hibo Nuura oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay, waxayna goobta ku soo bandhigeen heeso iyo gabayo ka turjumaya muhiimadda uu dalka u leeyahay wadajirka iyo iskaashiga ummadda Soomaaliyeed.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS