19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dilalka muranka shacabka iyo askarta oo ku soo badanaya Muqdisho: SAWIRO

Dilalka muranka shacabka iyo askarta oo ku soo badanaya Muqdisho. Darawal Bajaajle ah ayaa xalay lagu dilay Muqdisho gaar ahaan xaafada Hodan qaybteeda Taleex.



Dilka bajaajlahan ayaa waxa gaystey askari ka tirsan ciidanka dawlada oo dirawalkan laba xabadood kaga dhiftey feeraha sida ay sheegeen gobjoogeyaal.



Dirawalka oo dhaawac culus qaba ayaa loola cararay isbitaal ku yaal Muqdisho halkaas oo uu ku geeriyoodey. Dilalka ay gaystaan askarta dawlada ee caraysan ayaa ku soo badanaya Muqdisho.

Isla manta waxa dilkale ka dhacay xaafada Helliwaa halkaas oo lagu diley wiil dhalinyaro ah. Ciidanka ayaa ku baadijooga kuwii gaystey xasuuqan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS