10/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Qorshihii ciidanka dawladu kula wareegi lahayd amniga dalka oo wadano ka xanaaqeen

Qorshihii ciidanka dawladu kula wareegi lahayd amniga dalka ayaa wadano ka xanaaqeen. Wadamadan oo ciidano sharci ah iyo kuwo aan sharci ahaynba ay ka joogaan Koofurta dalka ayaa diidan inay baxaan.



Kiiniya ayaa walaac ka muujisay qorshaha dawladu ay maanta hordhigtey kooxda beesha caalamka la baxdey. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dawladiisu hanan karto amniga dalka muddo laba sano ah.

Tani ayaa ka cadhaysiisay Yugandha iyo Kiiniya oo ku qaata kumanaan doolar, ciidaknooduna ka helo nafaqo ayna waligood heleen.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in qorshahan oo ay soo diyaarisay dowladda Soomaaliya la isla ogolaaday, islamarkaana Beesha Caalamka ay u arkeen qorshahaan mid ku yimid rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed oo ay mudantahay in la isla qaato.



“Muddo bil ku dhow waxaa la diyaarinayey qorshaha ama marxaladii ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay xilka amniga kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo la soo diyaariyo qorshe anaga aan leenahay” Ayuu yiri Wasiirka.



“Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay waxey u arkeen iney tahay muhiim wixii Soomaali ay leedahay in halkaan la keeno oo aan hogaaminno, waana la isla ogolaaday” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS