Mooshin laga keenay Jawaari oo kulan laga yeelanayo. Guddiga joogtada ah ee barlamaanka ayaa kulan deg dega isugu imanayo si looga tashado mooshinka ka dhanka ah Jawaari.
Guddiga ayaa lagu wadda in ay ka hadlaan sida loo waji doono Xaaladda Mooshinka, islamarkaana loo xaqiijin lahaa tiradda Xildhibaanada Mooshinka soo gudbiyay.
Waxaa sidoo kale jira Xildhibaano kulamo kala duwan la leh Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Qodobada ay ku eedeeyeen waxaa ka mid ah xil gudasho la’aan, Ku xad gudubka Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid la’aanta Guddiyada Baarlamaanka.
Jawaari ayaa dadka badankoodu qabaan inuu ku fashilmey hawsha loo xilsaarey. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in xildhibaanadii mooshinka keenay la waayay tiradooda sidaana hadda ku burburey mooshinku.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay