22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

War dega dega: Gaadhi uu leeyahay maamulka Siilaanyo ee Boorama oo afduub loo gaystay

Boorama–Wararka saaka ka imanaya Borama ayaa sheegaya in gaadhi ay leedahay maamulka Siilaanyo ee Boorama lagu afduubtey lana geeyay dhinacaas iyo galbedka Awdal. Wararka ayaa intaa ku daraya in gaadhigan ay qaateen jabhada kacdoonka inkastoo wararku wali yihiin kuwo cusub.

Xilliga afduubka uu dhacayay ayaa waxa gaadhiga saarnaa oo kaliya wadaha gaadhiga oo sida wararku sheegayaan isaga laftiisa la sii kaxaystay.

La soco wixii ka soo kordha.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS