Galmudug ayaa ugu dambeyn yeelatay hal barlamaan. Munaasabad lagu mideynayay Baarlamaanada Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa ka dhacdey Dhuusamareeb.
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhankiisa sheegay in Galmudug ay israacday hadda waxii ka dambeeyana loo baahan yahay in la iska xoreeyo cawadga Galmudug, wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay in wax qabadka uu badnaado, si loo gaaro horumaro.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle (Xaaf) oo Munaasabadda soo xiray ayaa sheegay in Galmudug ay guul gaartay, wuxuuna tilmaamay in uu dhaqan galay balanqaadkii ay sameeyeen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, ee ahaa in Baarlamaanka Galmudug ay ku shaqeeyaan xaruntooda Cadaado.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS




Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay