Dr C/raxmaan Beyle ayaa kor u qaadey dakhliga dawlada soo galay sadexdii bilood ee la soo dhaafay. RW Xasan Cali Kheyre oo kulan bogaadina u tagey wasaarada ayaa amaaney hawsha socota.
Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ka dalbaday in ay xoogga saaraan uruurinta Canshuuraha Barriga, iyadoona Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Beyle uu balan qaaday howshaasi in si wadajir ah loo qabanayo.
Wasiir Bayle ayaa timaamay in ay socoto howsha Canshuuraha islamarkaana waxa uu cadeeyay Wasiirku amaanta in ay mudanyihiin shaqaalaha ku howlan arrinkaasi.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay si xowli ah diirada usaareysay sare u qaadida Dakhliga gudaha oo la doonayo in uu kor uga koco sidii uu ahaa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay