22/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Itoobiya oo u dhaarisay Cabiya Axmed inuu noqdo Raiisal wasaaraha cusub: SAWIRO

Itoobiya ayaa u dhaarisay Cabiya Axmed inuu noqdo Raiisal wasaaraha cusub kadib shirweynaha xisbiga EPRDF oo maanta ka dhacay caasimada Addis ababa.
Cabiya Axmed oo ka soo jeeda qoomiyada ugu badan Itoobiya ee Oromada. Itoobiya ayaa furtey taariikh cusub ayadoo qoomiyadaha Axmaarada iyo Tirgeega ay ka jirto is aamin la’aan.



Dr Cabiya Axmed oo hadal kooban jeediyay ayaa raaligaliyay dhammaan dadka xuquuqda aadanaha u dooda, siyaasiyiinta iyo dibadbaxyaasha ay qiimaha sare ugu kacday isbadalkii ay dalbanayeen.
Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritariya kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal iyada oo lawada xaajoonayo.



Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS