22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Suldaan Saleebaan oo lagu tuhunsanaa inuu taageero Wabar oo yiri waa arin isaga u gaara maalin kadib Xirsi Tooriile+MUUQAAL

Boorama–Suldaan Saleebaan oo aad loogu tuhunsanaa in uu taageero kacdoonka Suldaan Wabar ayaa halmar ka soo horjeestay sheegayna in lagu yiri waad taageertaa ee is cadee mawqifkaaga. Warkan ayaa imanaya maalin kadib markii uu yimi Xirsi Tooriile magaalada. Waxa kale oo suldaanku sheegay in arimaha qaar aanu Wabar ku dhawaaqi Karin oo isagu xaq u leeyahay.

Suldaanka ayaa la sheegayaa in ay u qabteen wasiirada Siilaanyo iyadoo lacagaha ay keenaan ay ku hor cunaan suldaanada kale, waxana muuqata in la yiri is cadee haddii kale lacag naguma lihid. Waxa kuu cad in hadalkani aanu soo kordhineyn isku duubnaan ee uu keenaya kaliya tafaraaruq.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS