Diyaarad sidey lacag ka timi Imaaraadka ayaa la qabtey. Imaaraadka ayaa si xun lugaha ugula Jira burburinta qaranka Somaliyeed asagoo raba in la qaato Wahaabiyada.
Diyaaradaan ayaa waxaa la sheegay in ay ka timid Wadanka isutaga Imaaraadka Carabta isla markaana lacagta saarneyd diyaaradaas ay leedahay Dowladda Imaaraadka Carabta.
Lama garan karo in lacagtan ku socoto safaarada Imaaraadka iyo inay tahay lacago loo wadey meelo kale oo dalka ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in lacagta saaran diyaarada loo wadey Puntland.
Waxase dadku is waydiinayaan maxaa Xamar keenay maadaama Puntland dawladu ka talin garoomadeeda. Waxase la sheegayaa in diyaarad kale lagu wareejinaayay kadibna muran ka yimi.
Diyaaradan la qabtey ayaa imaanaysa xilli Jawaari diidan yahay in cod loo qaado soo jeedinta ka dhanka isla markaana xuurto ku qabsadey golihii shacabka.
Imaaraadka ayaa u tafaxaytey burburinta qaranka Somaliyeed ee curdinka ah. Si kastaba ha ahaatee ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay halka lacagtan loo wado.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxa ayaa sheegaya in lacagtan ay sheegatay safaarada laakiin aan welli lagu wareejin ilaa ay baaris marto.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay