19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wasaarada amniga oo war ka soo saartey irbada laysku durayo

Wasaarada amniga ee dawlada Somaliya ayaa war ka soo saartey irbada laysku durayo qaasatan cabasho ay gudbiyeen dirawalada bajaajta.

War-Saxaafadeed kazoo baxay Wasaaradda amniga gudaha ayaa lagu yiri markii ay baaritaan ku sameysay iyada oo kaashaneysa hey’adaha u xilsaaran dabagalka iyo baaritaannada waxay ku ogaatay in arrimaha ku saabsan in gabdho Soomaaliyeed lagu soo ashkateeyay in ay irbado sumeysan ku dureen dhallinyaro ka mid ah wadayaasha gaadiidka loo yaqaano bajaajka.



Haddaba annaga oo gudaneyna waajibaadka naga saaran ilaalinta sharafta iyo karaamada shacbga Soomaaliyeed iyo sumcadda gabdhaha waxaan u xaqiijineynaa in aanan ka oggolaan doonin ficillada ay ku kacayaan wiilasha wadayaasha ka ah gaadiidkaas si ay wax u yeelaan magaca gabdhaha Soomaaliyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS