Dhawaan ayaa saxaafadaha taageera gooni goosadka Somaliland ay SI KHALADA u qoreen in ”Somaliland ka qaybgalayso koobka kubada cagta ee wadamada Afrika. Waxaan kadib sameeyay baadhitaan dheer waxaanan baadhay in marka hore u jiro koobka kubada cagta ah ee Afrika, waxaanan ogaa in uu dhamaaday kaliya laba bilood kahor ayna qaaday Ivory Coast. Kaasna waan ka saaray meesha.
Hadana waxaan is waydiiyay sidee ku dhici kartaa in koob aanaan la shaacin waliba ayna shaacin ururka kubada aduunka ee Fifa qaybtiisa Afrika loo sheegi karaa si deg deg ahna u bilaabmi karaa, waxaana ii soo baxday in ay QALDEEN magaca anigoo hore u ogaa in saxaafadaha Somalida ay wax kala koobi gareeyaan iyagoo hubsan. qaarkoodna ay ku ADAGTAHAY luqada INGIRIISKU.
Hadaba koobka aad maqasheen waa koob u dhexeeya bulshada laga tirobadan yahay (MINORITY) ee Afrikaanka ah ee degan Ingiriiska dhalintooda ka yar sideed iyo oban iyo mid u furan da’ kasta waxaanu ka bilaabmey Ingiriiska ilaa sanadii 2009 waxana ku jiray labaatan wata magac wadameed oo ah dhalinta degan Ingiriiska. Dabcan waxa labaatankaa saxda ah ku jiray dhalinyaro ku ciyaaraya magaca Somaliya.
Magaca la shaaciyay waa African nations cup UK ee maaha kii weynaa ee loo qaban jiray qaarada Afrika ee sida rasmi ah loo wado halkani kani lacag lagu raadsanayo.
UJEEDADA KOOBKA
Dadka isku xilsaaray in ay qaban qaabiyaan koob sidaa u weyn oo qaarada Afrika dhalinteeda Ingiriiska degan isku keenaya maaha mid sahlan, waxayse la hortageen shirkado maalgeliya ugu dambeyna waxay heleen ilaa dhowr shirkado oo dano kale Afrika. Ujeedada ugu weyn ayaa ahayd in dhalinta daroogada iyo khamriga ku waashay ee gidaarada taagan in LUGTA la galaan kooxaha waaweyn ee Ingiriiska.
Madasha noocana waxa inta badan yimaada tababareyaasha iyo ku xigeenada kooxaha waaweyn ee Ingiriiska si ay u helaan dhalin gudaha dalka ah oo soo kacaya lehna khibrad kubadeed, iyadoo Ingiriiska laftiisa ay ku yartahay tayada ciyaaryahanada dalka gudihiisa. Koobkana wuxuu isha saarayaa dhalinta Afrikaanka ah ee degan Ingiriisku in ay helaan fursad lagu arko tayadooda kana leexdaan oo ayna ku habsaamin daroogada iyo arimaha xun.
Yaa ku daray Somaliland
Sida aad arkaysaan waa koob lagu wado feedh iyo laad. Somaliland ama sida saxda ah waa magac siyaasadeed oo qayb ahaan siyaasiyiinta deegaanada Hargeysa iyo Burco qaarkood ay aqoonsi ku raadsadaan. Ku daridooda kulanka dhalinta reer Ingiriis ee aan ahayn heer caalami waxay iyaga u tahay na OGAADA..Waxase ii soo baxay in qabanqaabiyeyaasha ay u daran tahay lacagta laakiin ay wax ka ogaayeen in taageerayaashu ay aqoon raadsi yahay.
Muranka ka taagan ku daridooda
Dhalinta wada qabanqaabada ayaa beeniyay in ay yihiin urur siyaasadeed ama siyaasad ku shaqo leeyihiin maadaama dhalin matalaysa Somaliya ay ku jiraan..waxa kale oo aan ogaanay in ay ku kooxaha ku jiraan dhalin sheegtay magaca Zansibar oo ah jaziirad rabta in ay ka go’do Tansaniya..waxana kuu soo baxaya in ujeedada ugu weyn ay tahay in ay LACAG sameeyaan.
Waxaan ku qaboobi karnaa in ujeedada kulankani uu yahay mid meelna ictiraaf ka haysan oo dhalinta lagu meelaynayo.Wuxuse wax u dhimay hadafka qaban qaabiyeyaasha oo sheegay in ay isku keenayaan dhalinta Afrika ee degan Ingiriiska oo hada sida cad gashay siyaasad iyo kala qoqob.
AWDALSTATE
Masuuliyiin Awdalstate ah ayaa ii sheegay in iyaguna ku rajoweyn yihiin in sanadka dambe ay soo safi doonaan dhalinta Ingiriiska degan ee reer Awdalstate si ay u matalaan dalkooda.

Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay