19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Imaaraadka oo shaaciyay cida dawlada federaalka u saxiixdey heshiiska Berbera

Imaaraadka ayaa shaaciyay cida ay kala saxiixdeen heshiiska Berbera ee hadda ay Ku fashilmeen. Dawlada Farmaajo ayaa la fuushey maxkamad.



“Arrinta Dekedda Berbera waxay ku dhacday isfahan cad oo aan la yeelannay Dowladihii hore ee Soomaaliya, waxayna ahaayeen kuwo cadcad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xiriirna lama lihin, waxaan kaalin fududayn ah ku lahayn in aan kulamo u qabanno madaxda Soomaalida, waxay ku kulmeen Dubai, Kaalinteennu waxay ku koobnayd fududayn, is fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsannahay siyaasadda Soomaali mid ahinaysan anaga reebaynin dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka samayno”. Ayuu yiri Qarqaash.



“Haddii qof ku kaalmaynayey 20 -25 sano ay wax idin dhex maraan waa in aad kala hadashaa, ma aha in aad qabsato 47 Askari oo iimaaraadka u dhashay oo ciidamada tababaraya, oo ku dhawaad 10 Malyan oo Dollar oo ah wixii ku baxayey ciidan badan oo Soomaali ah siday, oo go’aankaas inta aad qaadatay aad tiraahdo arrinta waxaan ku xallinaynaa qol xiran, maya, maya, sidaasi hawsha kuma dhamaanayso, Waa in arrintu cadaataa” Ayuu raaciyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta.