November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Qaramada midoobey oo Sucuudiga ku eedaysay in isbitaaladii Yaman uu burburiyay iyo argagixisada Sucuudigu wato oo ceel saliida qabsatay

Sanca–Qaramada midoobey ayaa ka xumaaday weerarka Sucuudigau u hayo isbitaalada iyo wadooyinka iyadoo oo bartilmaameedka uu bixinayo Maraykanku. Dhinaca kale argagixisada caalamiga ah ee ay isku xulafo yihiin Sucuudiga ayaa qabsaday hub aad u farabadan oo ay ku jiraan taangiyo gobolka ay jaarka yihiin Sucuudiga ee Xadramowt.

Argagixisada Sucuudigu taageero ayaa sidoo kale qabsatay ceel saliida oo ku yaal gobolka kaas oo uu ka soo gali doono lacag aad u farabadan oo ay ku dagaalamaan.

Sucuudiga ayaa abuuray arin bani aadamnimo oo aad u folxun isagoo koox diimeedkiisa Salafiinta ay rabaan in ay koox diimeedka Shiicada ay ka tiritiraan aduunka.

Qoxootigii ugu badnaa ayaa ka soo cararay Yaman kuwaas oo soo gaaray xeebaha Somaliya halkaas oo lagula tacaalayo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS