Shir looga hadlayo arimaha Somaliya ayaa ka furmaya Beljim. Shirkan ayaa waxa tagaya dhamaan siyaasiyiinta Somalida oo at ku jiraan ururka dibed jooga ee isku taga Somaliland.
Soomaaliya shirkan waxaa ku metelaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay xilli dambe ah gaaray Magaalada Barasalis.
“Ra’iisul Wasaaraha halkan nabad ayuu ku yimid, wuxuu ka qeyb galayaa shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo isaga uu shir guddoomin doono, si gaar ah waxaa diirada loogu saari doonaa sidii loo dhisi lahaa Ciidamada Millitariga iyo sidii dalka loogala wareegi lahaa AMISOM.” Ayuu yiri Amb. Faqi.
Kulan 26-kii bishii ina dhaaftay ee April ku dhexmaray Magaalada Muqdisho, Beesha caalamka, Wakiillo matalayay Hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qayb ka ahaa qorshayaasha ugu waa weyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa Midowga Afrika.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay