12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maamulka gobolka Banaadir oo casho sharaf u sameeyay da’yarta xulka qaranka: SAWIRO

Gudoonka gobolka Banaadir ayaa maamuus u sameeyay da’yarta xulka qaranka. Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Axmed Guuleed (Khadar), Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta,masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Benaadir.




“Waxaan soo jeedinyaa in aan dhammaanteen kawada shaqeyno sidii dhallinyaradan aan u gaarsiin laheyn in ay dalka iyo dadkaba u soo hoyaan guulo kale oo heer qaarad iyo mid caalamiba ah, sababtoo ah maanta waxa ay inoo caddeeyeen in Soomaaliya ay dib u soo ceshan karto magacii iyo sumcaddi ay ku lahayd dhanka Cayaaraha.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.







C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS