20/04/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Raiisal Wasaare Xasan Cali Cali Kheyre oo safiiro u kaxaynaya Hobyo iyo ujeedada

Raiisal Wasaare Somaliya Xasan Cali Cali Kheyre ayaa safiiro u kaxaynaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug halkaas oo madaweyne Farmaajo u dhagax dhigey deked in loo sameeyo. Dekedaas oo wax ka qaban doono horumarka gobolada dhexe ee dalka.

Ujeedada socdaalka Xasan Cali Kheyre ayaa ah sidii qiimeyn loogu samayn lahaa dekedda iyo sidii ay safiiradaasi wax uga gaysan lahaayeen dhisideeda.




Dawlada Xamar joogta oo magaca Somaliyeed wadata ayaan soo dhaafin Muqdisho iyo gobolada ku xeeran, tanise waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee wax ka qabtaan gobol ka baxsan nawaaxiga Muqdisho.

Waxa Hobyo sii tagey wasiiro ka tirsan maamulka aan jirin ee Galmudug oo sii diyaarinaya safarka Xasan Cali Kheyre.




Dhisida dekedda Hobyo ayaa wax ka bedelaysa xiriirka Farmaajo iyo bulsgada ku sugan gobolada dhexe, waana balan uu qaadey oo fuleya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS