20/04/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Muuse Biixi oo xabsiga ka sii daayay Naciima Qorane

Muuse Biixi ayaa xabsiga ka sii daayay Naciima Qorane oo uu markii hore jeelka u taxaabay. Fadeexad uga timi xariga Naciima ayaa ku qasabtey inuu sii daayo.
Sii deynta Naciima Qorane ayaa Muuse Biixi ku qarinayaa inuu sidoo kale sii daayo Buurmadow oo cadaadis Jeegaaneed uga yimi.




Buurmadow ayaa Muuse Biixi jeelka u taxaabay kadib markii uu dalbadey in kursiga gudoomiyaha xisbiga Kulmiye lagu wareejo beesha Buurmadow sida heshiisku ahaa.

Jeegaanta ayaa isku qilaafsan cida lagu wareejinayo kursiga Kulmiye ee hadda Muuse Biixi Ku fadhiyo.

Aabaha Naciima Qorane oo saxaafada la hadley ayaa sheegay inuu la kulmey Muuse Biixi una sheegay inuu sii daynayo.




Axmed Qorane ayaa sheegay in gabadhiisu xanuusatey laakiin sida kale ayna jirin wax dhibaato ah.
Xadhiga Naciina Qorane ayaa yimi markii Naciima tagtey Xamar kana jeedisay gabay midnimo Iyo isjacayla.

Maxaned Yuusuf

ARAABINEWS