20/04/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Cabduwelli Gaas oo ka calaacalay dhisida aqalka sare ee Somaliya

Cabduwelli Gaas ayaa ka calaacalay dhisida aqalka sare ee Somaliya oo Puntland ka mid ahayd maamul goboleedyadii isla lahaa kuraas badan ku hela si ay cod uga helaan barlamaanka.

“Lama rabin in la dhiso Aqalka Sare, waan qasabnay, laakiin hada waxba nama tarin, wax hada uu na taray oo uu noo soo kordhiyay ma jirto, Dagaal baan waxaan ku galnay inaan helno 11 xubnood, maadaama Dowlad Goboleedyada kale ay leeyihiin min 8 xubnood.” Ayuu yiri Gaas.




Wuxuu sheegay inuu ku taliyay xubnaha Aqalka Sare ee Puntland in ay u doortaan dad qibrad leh oo uu tusaale u soo qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, balse hada aanay meel ku sheegin, oo waxba aanay u qaban Puntland.




Ugu dameyntii Madaxweyne Gaas ayaa sheegay rag Aqalka sare ka tirsan oo Puntland ka tirsan oo uu gacantiisa ku qoray in ay ka soo horjeesteen Mashaariic horumarineed oo laga fulinayay degaanada Puntland, wuxuuna tilmaamay in hada uusan waxba oraneyn, balse Doorashada dambe uu sheegayo waxa ay sameeyeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS