13/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

War deg dega: Masar oo 20 sano ku xukuntey hogaamiyihii hore ee dalka Maxamed Mursi

Masar–Madaxweynihii kooxda akhwaanka ee Masar Maxamed Mursi ayaa maxkamad ku taala dalklaasi ku xukuntey 20 sano oo xadhiga. Xukunkan ayaa dadka badankiisu la yaabay waana xukun siyaasadeysan oo keeni kara isku dhac. Ururka akhwaanka ee uu hogaamiyo Maxamed Mursi ayaa lagu eedeeyay in ka dambeeyay dilal loo gaystay booliiska.

Madaxweynihii hore ayaa isagu diidey sharciyada maxkamada waxana la filayaa in uu qaato racfaan inkastoo aan la garanayn in la ogolaan doono iyo inkale.

Masar ayaa waxa ku dagaalama ururka akhwaanka oo aad ugu xoogbadan iyadoo dhinaca kale ciidamadu ay diidan yihiin in urur diimeed u taliyo Masar.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS