20/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Indooniisiya

Qaracan haween Somaliyeed oo seexda dariiqyada caasimada Indooniisiya: SAWIRO

Qaracan haween Somaliyeed ayaa seexda dariiqyada caasimada Indooniisiya. Haweenkan oo ka soo cararay dhibka iyo dulmiga ka jira Somaliya ayaa ku nool nolol ka xun tay ka yimaadeen oo gaajo ugu weyn tahay.

Waxay seexdan dariiqyada caasimada Jakarta halkaas oo ay halis ugu jiraan in lagu faro xumeeyo halka qaarkood isku dhiibeen gguryo-hantiileyaal maalina seexiya maalina dibeda u soo tuura.




Waxay saxaafada u sheegeen in markii uu doono uu dibedda u tuuro. Waxa ku jirta hooyo wadata gabadh yar oo iyagu RAJO ka sugaya in hay’adda qoxootigu meelayso. Rajadaasina mid soo dhow maaha.

Xerada lagu hayo qoxootiga ku nool Indooniisiya ayaa buux dhaaftey waxayna ka mid tahay meelaha faroxumeynta ugu weyn ay ka jirto.




”Wax aan cuno ma haysano waxaanan wax weydiisanaa dadka qoxootiga ah ee nala midka ah ee iyaguna ku nool halkan. Waxa noogu daran oo cabsida ugu weyn nagu haya raga faroxumeynta u diyaara ayay tiri Sucaad”.

Haweenkan ayaan la garanayn sidey ku tageen dal Somaliya aad uga fog, aanan lagu aqoon naxariista bani-aadamka iyagiina isku batey oo toodii la ciirayso.




Waxaan naf ka deynaa masjidka gidaarkiisa si aan amaan u helno ayay Iqra. Sawirada hoose waxa qaadey nin u shaqeeya wargeys ka oo baxa Ostaraaliya oo diidan qoxootiga.

Rashiid Ceelaanyo, Xigasho AAP

ARAABINEWS