Doon ku rogmatey Afgooye iyo khasaaraha jira. Sida aan wararka ku helayno doontan ayaa ka tagtey Afgooye ayada oo sida dad aad u farabadan maadaama fatahaada webiga ay gooyeen wadooyinkii hore u jirey.
Markey doontani marayso deegaanka Raqayle ayadoo u socota Awdheegle ayay rogmatey waa sida ay sheegeen dadkii ka soo badbaadey.
Waxa goobta ku dhimatey dad isugu jira caruur, rag iyo hooyo. Waxa loo sababaynayaa in doontan la buux dhaafiyay tayadeeduna aad u xumayd.
Lama sheegin in meydkii laga soo saaray biyaha, waxase dadkii ka badbaadey lagu soo celiyay Afgooye oo markii hore ay ka soo baxeen.
Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ka mida gobolada ay sida ba’an u waxyeeleeyeen fatahaada webiga Shabeelle.
Welli war rasmi ah maamulka gobolku kama soo saarin doontan rogmatey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay