Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta ciida booqdey bukaano ku jira isbitaal ku yaal Muqdisho si uu xaaladooda ula qaybsado. Isbitaalada uu booqdey ayaa kala ah isbitaalka xooga dalka, digfeer iyo isbitaal Medina.
“Dhaawacyadani waxa ay idin soo gaareen idinka oo difaacaya qarankeenna, dadnimadeenna iyo sharafteenna, waana arrin ay idiin ogsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladduba. Sidaas darteed, waxaan idiin xaqiijinaya in aan markasta dadaal ugu jirno daryeelkiinna caafimaad.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo askar dhaawac ah kula hadlay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha qalliinka, raajada, bukaan-jiifka iyo kaydka ee Isbitaallada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Madiina iyo Rajab Dayib Erdogaan, isagoona sidoo kale dul istaagay qeyb cusub oo dhawaan loo dhameystiray Isbitaalka Xoogga Dalka oo ay u idil yihiin agabyada qalliinka, bukaan-jiifka iyo daaweynta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS





More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay