Xoolaha Somaliya ayaa la fasaxay in loo dhoofiyo suuqa ugu weyn ee Sucuudiga. Waxay ahayd sanadkii hore markii Sucuudigu ka been abuurey xoolaha Somaliya laga joojiyay dhoofintooda.
Wasiirka Xannaanadda Xoolaha dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in 24-kii bishii Augosto ee sanadkii 2017kii shir ay la yeesheen Wasaaradda deegaanka, Biyaha iyo Beeraha dalka Sacuudiga ay ka soo baxeen qodobo muhiim u ah dalkeenna oo ay ugu muhiimsaneyd in Sacuudiga qireen badqabka iyo caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.
Xoolaha Somaliya ayaa markasta been laha sheegaa ayadoo ujeedadu tahay in dalalka been ka sheegaya ay soo dhoofsadaan xoolahooda maadaama Sucuudigu aanu lahayn khibrad xora oo uu ku baari kar xanuunada xoolaha.
Dalalka ugu badan ee Soomaaliya Xoolaha nool ay u dhoofiso waxaa ka mid ah dalka Masar, Yemen, Sacuudiga iyo Cummaan oo xiriir wanaagsan dhanka dhoofinta kala dhaxeeyo Soomaaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay