03/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay inuu jiro ceel shidaal oo Tigree haysto

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in ay ka jiraan dhulka Somalida ee ismaamulka ceel shidaal oo Tigree haysto. Tigreegan oo ay ka tagtey dawlada Milas ayaan dawlada deegaanku Somalidu hore u ogeyn inuu ceelkan haysto.



Madaxweynaha oo ka hadlayay goob ku taal degmada Elele ee Gobolka Shabeele oo uu ku yaalo ceel shidaal oo 28 June si rasmi ah u bilaabay wax soo saarkii shidaalka ayaa waxa uu sheegay in goobaha shidaalka ee loo yaqaano Jigjiga Basin oo ka mid yahay ceelka shidaalka ee Cobele inaanuu wax ba ka ogayn oo si khaldan ama sharciga ka baxsan uu haysto nikaasi iyo shirkadiisu.



“gobolka Jarar ee cobole agagaarkeeda ah waxa iska haysta nin Tewadhros la dhoho, mooji kaasu”. ayuu yiri Madaxweyne Cabdi Maxamuud
Madaxweynaha ayaa intaas sii raaciyay “haddase waa la isaga daba yimid” oo ah in hilfaha loo qaadi doono lagana fujin doono hantida ummada Somaliyeed.

Maxam,ed Yuusuf

ARAABINEWS