03/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweynaha oo dalacsiiyay saraakiil lagu yaqaanay wadaninimo dheeraada

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmey gudiga qabanqaabada maalmaha xoriyada halkana ku dalacsiiyay saraakiil lagu yaqaanay wadaninimo dheeraada ayagoo xafiday keyd qaranku lahaa oo cadowgii dalka burburiyay ayna u tudheen.



Madaxweynaha ayaa xusay saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo badbaadiyay dukumintiyadii yaallay Xarumihii Dowladda ee ay ka tirsanaayeen, wuxuuna ku sifeeyay saraakiishan in ay tusaale nool u yihiin waddaniyiin badan oo dhiig iyo dhaqaale usoo huray badbaadinta dalka.



Saraakiishan oo kala ah G/ Sare Jaamac Cilmi (Timir) oo badbaadiyay kaydka Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, G/ Sare Abshir Xaashi Cali oo gacanta ku hayay kaydka heesaha ee Radio Muqdisho iyo Dhamme Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi Dheere) oo isna ilaaliyay dukumintiyadii muhiimka ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dallacsiiyay min hal darajo.



“Saddexdan sarkaal waxa ay qabteen in ay xafidaan taariikhda Soomaaliya oo ay ilaaliyaan sharafka iyo qarannimada Soomaaliyeed, xitaa in ay naftooda u huraan. Waa mahadsanyihiin, mana idin ilaawi doonno, qarankuna waa idiin abaal gudi doonaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS