02/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Itoobiya oo ururo la dagaalami jirey ka saartey liiska beenta ah ee argagixisada

Itoobiya ayaa ururo la dagaalami jirey ka saartey liiska beenta ah ee argagixisada. Liiskan ayaa Itoobiya u adeegsatey inay ku dhibto kuna jirdisho asxaabta diidan siyaasadaha qalafsan ee maamuladii hore.



Sidii uu Raiisal wasaare Abiy Axmed u qabsaday dalka Itoobiya ayaa uu qaaday talaabo ay dadkeeda uga dhigeyso dad la jaan qaada wadamada jaarka ugu yaraan.



Jeelasha Itoobiya ayaa kufsi iyo jirdil aad u xun oo ka baxsan bani aadamninada loogu gaystaa dad siyaasad ahaan diidan ama wax ka tabanaya cadaalad xumada jirta.

Liiska waxa ku jira urur ku adeegta magaca qabiilka Ogaadeenka ee loo yaqaan ONLF.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS