Booliiska Koofur Afrika ayaa faahfaafiyay nin Somali ah oo midi ku diley dad masaajid ku tukanaya. Ninkan ayaa booliisku dileen kadib markii la amrey inuu midida dhigo isna dhiibo laakiin iyaga ku soo ruqaansadey.
Afhayeen u hadley waaxda baarista dambiyada ayaa saxaafada u sheegay in ninkaas hadda dhintey laakiin galaaftey nolosha laba qof oo masjidka ku tukanaayay uu ahaa nin maskaxda looga jirey.
Maaheyn nin qaba fikradaha waalan ee argagixisada wuxuuse ahaa bukaan ku jira isbitaalka dhimirka ee Kaybtown ayuu yiri Mulaudzi oo ah madaxa dambi baarista.
Dadka masaajidka ku tukanaayay ayaa kala cararay markii ninkan Somaliga ah ee lagu magacaabi jirey Nuur Carawaal uu midida geliyay laba ka mida dadkii tukanaayay qaar kalana dhaawacay.
Waxa markiiba dadka maskaxdooda ku soo dhacdey inay weerarkan fuliyaan argagixisada caalamiga oo inta badan adeegsada dad maskaxdoodu ku filneyn oo ay ku shubeen diin sheydaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay