Madaxweyne Farmaajo ayaa Ku sugan Turkiga halkaas oo lagu soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa casuumad ka helay dhigiisa Turkiga Erdogan oo malmahan ku jira dabaaldeg kadib doorashadii ka dhacday dalka ee uu sida weyn ugu guulaystay.
Erdogan ayaa hilfaha u qaadey mucaarad uu ku tuhmey inuu inqilaab ku sameeyay isla markaana gebi ahaanba tirtirey ganacsiga ay lahaayeen.
Caleemo saarka Edogan oo dhacaya ayaa lagu casuumay madaxda muslimka iyo kuwa caalamkaba. Erdogan ayaa lagu eedeeyaa inuu urur diimeedkiisa ku faafiyo wadamada jaarka ah.
Madaxweynaha waxaa safarkan ku wehliya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS



Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay