Saraakiil lagu tuhmayo inay fududeeyeen weerarkii argagixisadu ku qaadey wasaarada arimaha gudaha ayaa jeelka loo taxaabay ayadoo la bilaabay baaritaano dheer.
Argagixisada ayaa ayadoo wadooyinku xiran yihiin haddana si fudud ugu xasuuqdey wasaarada dad aan waxba galabsan.
Saraakiishan oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid ayaa xarigooda wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay gelinkii dambe ay kulan deg deg ah Guddiga amniga ku yeesheen Muqdisho, kaasi oo uu shir guddoominayay Wasiirka amniga.
Amarka lagu xiray Saraakiishan oo Taliyeyaal ka ahaa Baraha Kontorool ee ku teetsan wadada Maka Al-mukarama ayaa waxaa la sheegay inay bixiyeen Madaxda Qaranka gaar ahaan Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle).
Waxa caadiya in weerarada argagixiso ee ka dhaca Muqdisho ay inta badan fududeeyaan isla saraakiil amniga loo xilsaarey oo khiyaama dadkooda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay