12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xulafada wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka oo xasuuq ka gaystey Xudeyda

Gacan ku dhiigle Salmaanka Sucuudiga ayaa xasuuq ka gaystey Xudeyda oo ah dekedda labaad ee ugu weyn dalka oo baryahan ay isku dayaayeen inay gacantooda soo gasho laakiin ku hungoobey.



Duqeyn gacan kuu gacan ku dhiigluhu gaystey ayaa waxa uu ku diley kaluumaysato ku sugnaa suuqa kaluunka ee Xudeyda. Dadkii ku dhaawacmey ayaa dhiig loo raadinayaan.

Xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa lagu yaqaan inay beegsadaan goobaha dadku ku badan yahay iyo weliba goobaha looga adeego dadka.



Argagixisada wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa sigey isbitaalka ayadoo laba gaari oo ah kuwa gurmadka halkaasi ay ku gaartey burbur xoogan.

Waxa ka sii daran markey xasuuqa gaysteen ayay dadkii dhaawaca ahaa kaga daba tageen isbitaalka waana halka intii dhaawaca ahayd qaarkood ku dhinteen ayay tiri hay’ad u hadashay.



Waghaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka oo kaashanaya Maraykanka, iyo Yuhuuda ayaa Yaman ka dhigey dal dadkiisu gaajo u dhinteen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS