20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ciidan uu hogaaminaayo jeneraal Caanood oo la wareegay degmada Marka

Ciidan uu hogaaminaayo jeneraal Caanood ayaa la wareegay degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose. Jeneraal Caanood oo xilka laga qaaday ayaa beeniyay inuu goostey. Marka ayaa waxa isku horfadhioyay ciidan beeleed iyo argagixisada Shabaab.



Xaafado ka tirsan Marka ayaa waxa mudooyin isku hor fadhiyay ciidan beeleedyo sida Hawiye iyo Biyo maal. Halka magaalada inteeda muhiimka ah ay joogeen ciidamada Amisom.



Jeneraal Caanood ayaa beeniyay inuu goostey wuxuuna sheegay inuu xilka wareejin doono marka uu dhamaado hawlgalka uu hadda ka wado gobolka Shabeelaha Hoose.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS