Imaamkii ugu da’da yaraa caalamka ayaa tujiya boqolaal reer Urduna. Imaamkan oo sagaal jira ayaa salaada Jimce akhriya qudbada waxana ku xiran boqolaal reer Urduna.
Wiilkan oo la yiraa Canas ayaa imam ka noqdey masjid Ibaahimi oo ku yaal caasimada Camaan ee Urdun sida ay qortey jariirad ka soo baxda dalkaasi.
Wiilkan ayaa xaafidu Quraana waxana uu wax ka bartey duruus ka tirsan Shareecada. Dadka dega deegaanka uu masaajidkan ku yaalo ayaa aad u soo dhaweeyay in ay arkaan wiil yar oo 9-jir ah oo imaam u noqday si ay ubadkoodu ugu daydaan.
Taasi oo keentay in ubadkii xaafaddaasi iyo guud ahaan caasimadda Urdun ku noolaa waalidkood ku dhiiradeen in ay ubadkooda diinta baraan waxaana si weyn kor ugu kacay ubadka yaryar ee masaajidada iyo goobaha cilmiga shareecada si weyn loo gaynayo.
Rashiid Ceelanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay