Imaaraadka ayaa markale dhirbaaxo kala kulmey Jabuuti. Madaxtooyada Djibouti ayaa sheegtay in si toos ah loo qarameeyay Saamiga imaaraadku ku lahaa dekeda, dawladdana ay la wareegi doonto dekadda iyada oo laga fogaanayo farogelinta shirkado Shisheeye.
Ujeedada go’aanka qarameynta ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu ilaalinayo danaha asaasiga ah ee dalka iyo danaha dalalka ay isbaheysiga yihiin.
Go’aanka qarameynta ayaa imaanaya shan Maalin kadib markii ay DP World ay sheegtay in ay u dacwooneyso Maxkamadda Caalamiga ah ee London, iyada oo tilmaantay in Djibouti ay u diideyso Maamulidda dekadda Doraleh ee Konteenarada .
Dekedda Jabuuti ayaa mashquula waxana ku xiran boqolkiiba 70 dhaqaalaha dalka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay