20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka qayliyay wasiiradiisa oo saxiixaya heshiisyo caalamiya

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka qayliyay wasiiradiisa oo saxiixaya heshiisyo caalamiya oo ayna aqoon u layn waxa ka imaan kara. Waxa kale oo jira heshiisyo maamulkii Xasan Sheekh saxiixay oo caqabad ku noqdey dawladan.



Heshiisyada badankooda ayaan dawladu waxba ka ogeyn ama lala socodsiin madaxa ugu sareeya xukuumada oo ah Xasan Cali Kheyre ama garyaqaanka guud ee xukuumada.



“Waxaa kaloo la istusiyay in wasiirada ay ka digtoodaan inay saxiixaan heshiisyo caalami ah iyada oo aysan la socon garyaqaanka guud iyo golaha wasiirada oo ra’iisul wasaaraha uu ugu horeeyo, si aysan dhibaato u imaan”. Ayuu raaciyay wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Waa fadeexadii ugu weynayd oo dawlada la soo wajahdey ayadoo heshiisyada badankooda ay yihiin kuwo laga dhaxley maamulkii Xasan Sheekh.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS