Dhacdada haweenay isku dishey Muqdisho oo la ogaadey. Ayadoo maalmihii la soo dhaafay ay dhacdooyin naxdinleh oo argagaxa ka dhacayeen Muqdisho ayaa waxa u dambeeyay haweenay isku dishey xaafada Yaaqshiid.
Ehelada Haweenayda Isdishay ayaa xaqiijiyay dhacdadaan in ay jirto, islamarkaana ay isdishay Haweenay lagu Magacaabi jiray Shukri Cabdullaahi Raage oo hal cunug Ifkaga tagtay.
Waxay ehelka haweenaydan intaa raaciyeen in maalmihii lasoo dhaafay uu ku furnaa Buuq ka dib markii xoog looga qaatay gabadh ay u dhashay ninkii ay kala tageen.
Sababta ay Isku dishay ayaa la sheegay in aysan aheyn sidda loo dhigaayo oo ah in loo diiday in ay guursato nin ay jecleyd, laakiin xaqiiqda in ay tahay in ay isku dishay caro kala dhalatay gabadha yar ee sidda xoogga ah looga qaatay ee ayna jirin cid u soo celisay.
Dhacdadan argagaxa leh ayaa dadka deegaanku aad uga naxeen, waxana ehelku sheegeen inta ayna sunta cabin kahor ay weyso qaadatey kadibna ay salaad tukatey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay