Meydka nin Somali ah ayaa laga helay dalkaasi Swiserland gar ahaan magaalada Basel. Ninka meydkiisa la helay ayaa lagu sheegay Abuukar Todobaale. Lama garan cida dishey iyo sababta ilaa hadda.
Soomaalida ku nool qaarkood oo tegay goobta meydka yaalay ayaa waxa ay sheegeen in uu ka muuqday jirkiisa dhaawacyo loo geystay.
Dalka Swiserland ayaa waxa ku nool Soomaali farabadan kuwaas oo ah qaxooti ka soo cararay burburka iyo mustaqbal la’aanta dalka balse inta badan marka loo eego wadamada kale laguma dhibaateeyo dadka Soomaaliyeed.
Booliiska ayaa bilaabey baaritaano. Meydka ayaa laga helay webiga magaalada mara qarkiisa.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay